Saturday, March 26, 2016

WAXYAABAHA U GAARKA AH BORAME? 'Warbixin kooban oo xiiso badan'.


Borame waa xarunta Gobolka Awadal, waa xarun ku caan ah aqoon. Dad aad u faro badan ayaa booqda, mid waxbarasho u taga iyo mid si kale u tagaba.Safarkii iigu danbeeyey ee aan ku tago waxaan tegay 2011kii, waxaan ii muuqday isbedel faro badan oo dhinacyo badan taabanaya.

Waxaa si gaar ah ii soo jiitay wadad isku xidha Kala baydh iyo Borame oo wado raf ah u badnayd oo laga dhigay laami, oo in yari rafkii ku sii hadhay. Waxaa kale oo horumarku ka muuqdaa magaalada dhexdeeda oo aad ka arki karto dabaqyada, meheradaha waaweyn ee ganacsi  iyo Huteelada cusub ee laga dhisayo.
 Borame waxay caan ku tahay Hudheel cagaaran oo la yidhaahdo RAYS.
 RAYS waa Hudheelka aan is idhi malaha kanaa magacii ku haboona la baxay oo waa meel wada cagaaran oo indhuhu ku doogsadaan.

Waxaan arkay hudheel aad u qurux badan oo la dhisayo, oo dadka suuqa joogaa markaad waydiiso magaciisa kugu jawaabayaan  ‘Rays baa yaabay’, laakiin maaha magaciis rasmiga ah ee waa kan ay ku dacaayadeeyaan.

Waxaan ka qayb galay xaflada loogu dabaal degayo, arday ka qalin jebsiay barashada cilmiga horumarinta adaamaha, waa aqoon u gaara ah reer borame oo aan inta badan laga aqoon ama aan lagu dhigin dalka intiisa kale intaan ka war hayo.

Suuqa markaad marmarto waxaad arkaysaa boodhadh ay ku qoran tahay la talinta adamaha ama la talinta  bulshada. Waxaan odhan karaa waa bulsho u diyaar garawday inay horumariyaan deegaankooda.

Dhinac kale waxaan ku tukaday mid ka mid ah masajidada ugu waa weyn Magaalda oo aan ku arkay raashin aad u faro badan oo noocyadii kale duwan oo yaal xaga danbe ee masjidka , cid maan weydiin laakiin waxaan iska gartay inuu yahay raashin loogu talo galay in bulshada tabaalaysan ee abaaruhu aafeeyeen lagu caawin doono.
Khubadii jimcuhuna waxay ka hadlaysay, sidii loo toobad keeni lahaa.
 Waxaa kale oo masaajidka lagaga hadlayeye sidii looga qaybqaadan lahaa taakulaynta bulshada abaaruhu aafeeyeen.
Borame oo ah Magaalo dhisantay Hadan waxaa ii muuqanaysay in masaajidadu aanay ku filnayn bushada doonaysa inay cibaadaystaan oo ay buuxsamayeen, loona baahan yahay in la balaadhiyo masaajidada ama kuwa cusub lagu kordhiyo.

Waxyaabaha u gaar ah Borame:
  •  Waa dad degan oo aan  hadalkoodu  aad u  dhaadheerayn, kuwa iibiya qaadka iyo kuwa iibiyo  bagaashka ama dhakarka  lama kala garto oo mid waliba waa iska aamusan yahay, si bilaa qaylo ah bay wax u iibinayaa oo dadka agmaraya ku  dhegdhegi maayaan sida casimada ka dhacda.
  •  Gaadiid aad u raaxo macaan oo ay leedahay shirkada Sahal Transportation and logistics ayaa isna sii kordhinaya xiisaha  tegida Borame
  •  Waa busho dhalinyaradeedu aad isugu xidhan yihiin oo isu caawiyaan, waxa asxaab badan oo aan meesha ku lahaa ku mashquulsanayayeen taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen
  • Xagga Cuntada Markaan eego waa bulsho aan aad u isticmaalin hilibka geella oo ay ku ciladeeyeen inuu adag yahay. inta badan waxay isicmaalaan hilib lo'aad ama adhi.
  • Waxa aad u isticmaalaan gaadiidka bajaajta oo meel walba maraysa, 
    Gebogebadii waxaan ugu hanbalyeynayaa Horumarka Borame gaadhay, waxaana u ducaynayaa bulshada abaartu haysay ee deegaanka ka tirsan. 

Yasin Moh'ed Farah (Baxwal)
abkoo2012@gmail.com

Wednesday, March 23, 2016

WAA KUMA HURRE WALANWAL?


TAARIIKHDA HURRE WALANWAL OO KOOBAN

Cismaan Ibrahim Warsame oo ku magac Dheer Hurre Walanwal Magaca Hooyadii waa Kaah Jaamac Buux. waxuu ku dhashay Magaalada Caynaba sanadkii 1945 Waxuu ku barbaray Degmada X.Xasan Geelle (hore loo odhan jiray Balidhiig) iyo degmada Buuhoodle oo u kala dabqaadi jiray waxuuna waqti badan ku oo qaatay Baadiyaha ama Miyiga Degmooyinkaas iyo hawdka sare, sanadkii uu dhashay waxaa ka baxay reerkiisa xoolihii  Sanadkii La Odhan jiray Hayaan Dheer oo reerkooda ku keliftay in ay u soo guuraan Magaalada Caynaba . Abwaan Hurre Walanwal waxu  dhalay  6 wiil iyo  Hal gabadh.
Abwaan Hurre waxuu la dhashay 8 wiil iyo Gabadh oo saddex ka mid ahi ay ku dhasheen Caynaba.
Abwaan Hurre waxuu ku weynaaday xoolo dhaqatinimo, dhaqanka oo uu aad u yaqaanay iyo hibada uu ilahay siiyey awgeed waxuu noqday dadka lagu magcaabo Hoobal, ama dibnomaal, waxa kale oo loo yaqaanay Orginaagood waxuuna ahaa hal abuur caan ah.
Taariikhda uu hana qaaday Abwaan Hurre Astaamaha lagu Sahansho Qofka Fiican waxa ka mid ahaa  Ciyaaryahanimada iyo Aftahanimda Hal abuureed.
Abwaan Hurre oo ahaa aftahan lagu yaqaano Heesa Ciyaareedyada Aroos  IWM, waxanay Heesahaa ku kulmeen dad aad u faro badan. Heesaha Tisqaadayna waxaa ka mid ahaan Heesta Duug Reeb.

Hurre walanwal waa Hal abuur suugaan yahan ah oo ku xeel dheer dhaqanka.

Maqaalkan waxaa ka soo xigtay Buugga AFTAHAN  oo aan todobaadka danbe insha allahu aan daah furi doono.

Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)
abkoo2012@gmail.com;065-9155222
kala soco Maqaaladii hore halkan  Baxwal.blogspot.com