Saturday, March 26, 2016

WAXYAABAHA U GAARKA AH BORAME? 'Warbixin kooban oo xiiso badan'.


Borame waa xarunta Gobolka Awadal, waa xarun ku caan ah aqoon. Dad aad u faro badan ayaa booqda, mid waxbarasho u taga iyo mid si kale u tagaba.Safarkii iigu danbeeyey ee aan ku tago waxaan tegay 2011kii, waxaan ii muuqday isbedel faro badan oo dhinacyo badan taabanaya.

Waxaa si gaar ah ii soo jiitay wadad isku xidha Kala baydh iyo Borame oo wado raf ah u badnayd oo laga dhigay laami, oo in yari rafkii ku sii hadhay. Waxaa kale oo horumarku ka muuqdaa magaalada dhexdeeda oo aad ka arki karto dabaqyada, meheradaha waaweyn ee ganacsi  iyo Huteelada cusub ee laga dhisayo.
 Borame waxay caan ku tahay Hudheel cagaaran oo la yidhaahdo RAYS.
 RAYS waa Hudheelka aan is idhi malaha kanaa magacii ku haboona la baxay oo waa meel wada cagaaran oo indhuhu ku doogsadaan.

Waxaan arkay hudheel aad u qurux badan oo la dhisayo, oo dadka suuqa joogaa markaad waydiiso magaciisa kugu jawaabayaan  ‘Rays baa yaabay’, laakiin maaha magaciis rasmiga ah ee waa kan ay ku dacaayadeeyaan.

Waxaan ka qayb galay xaflada loogu dabaal degayo, arday ka qalin jebsiay barashada cilmiga horumarinta adaamaha, waa aqoon u gaara ah reer borame oo aan inta badan laga aqoon ama aan lagu dhigin dalka intiisa kale intaan ka war hayo.

Suuqa markaad marmarto waxaad arkaysaa boodhadh ay ku qoran tahay la talinta adamaha ama la talinta  bulshada. Waxaan odhan karaa waa bulsho u diyaar garawday inay horumariyaan deegaankooda.

Dhinac kale waxaan ku tukaday mid ka mid ah masajidada ugu waa weyn Magaalda oo aan ku arkay raashin aad u faro badan oo noocyadii kale duwan oo yaal xaga danbe ee masjidka , cid maan weydiin laakiin waxaan iska gartay inuu yahay raashin loogu talo galay in bulshada tabaalaysan ee abaaruhu aafeeyeen lagu caawin doono.
Khubadii jimcuhuna waxay ka hadlaysay, sidii loo toobad keeni lahaa.
 Waxaa kale oo masaajidka lagaga hadlayeye sidii looga qaybqaadan lahaa taakulaynta bulshada abaaruhu aafeeyeen.
Borame oo ah Magaalo dhisantay Hadan waxaa ii muuqanaysay in masaajidadu aanay ku filnayn bushada doonaysa inay cibaadaystaan oo ay buuxsamayeen, loona baahan yahay in la balaadhiyo masaajidada ama kuwa cusub lagu kordhiyo.

Waxyaabaha u gaar ah Borame:
  •  Waa dad degan oo aan  hadalkoodu  aad u  dhaadheerayn, kuwa iibiya qaadka iyo kuwa iibiyo  bagaashka ama dhakarka  lama kala garto oo mid waliba waa iska aamusan yahay, si bilaa qaylo ah bay wax u iibinayaa oo dadka agmaraya ku  dhegdhegi maayaan sida casimada ka dhacda.
  •  Gaadiid aad u raaxo macaan oo ay leedahay shirkada Sahal Transportation and logistics ayaa isna sii kordhinaya xiisaha  tegida Borame
  •  Waa busho dhalinyaradeedu aad isugu xidhan yihiin oo isu caawiyaan, waxa asxaab badan oo aan meesha ku lahaa ku mashquulsanayayeen taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen
  • Xagga Cuntada Markaan eego waa bulsho aan aad u isticmaalin hilibka geella oo ay ku ciladeeyeen inuu adag yahay. inta badan waxay isicmaalaan hilib lo'aad ama adhi.
  • Waxa aad u isticmaalaan gaadiidka bajaajta oo meel walba maraysa, 
    Gebogebadii waxaan ugu hanbalyeynayaa Horumarka Borame gaadhay, waxaana u ducaynayaa bulshada abaartu haysay ee deegaanka ka tirsan. 

Yasin Moh'ed Farah (Baxwal)
abkoo2012@gmail.com

No comments:

Post a Comment