Tuesday, January 19, 2016

LACAGTU MAXAY QABATAA? SIDEENA RIBBADU U GASHAA?

Maqaalkii hore ayaan kaga hadlaya Ribada; maqaalkan waxan ku eegayaa lacagta(currency).

Taariikhda Bini aadamka marka diba loo raaco, markii ay bilaabeen ganacsiga ma jirin lacag la isticmaalo ee waxa la isticmaali jiray hab ah in alaab waxa lagu kala bedesho, tusaale ninka haysta neef adhiya ee doonaya hal kiish oo qamadi ahi;waxuu kaga bedelan jiray qofkii doonaya adhiga ee haysta qamadi, alaab baaan la isdhaafsan jiray.

Muddo ka dib waxaa bilaaban tahay in waxyaabaha wax lagu kala bedelan karo qaar loo qoondeeyey sid subag, malabka, raashinka oo ay noqdaan lacagta waxa lagu kala bedesho. sanadadu way is gurayaane waxaa aakhirkii loo daayey in walxaha la isku qurxiyo loo adeegsado lacag ahaan, taas oo mudd dheer la isticmaalayey.

Markii danbe waxaa soo baxay baananka oo iyana siday u soo baxeen u baahan tahay maqaal gaar ah, baanankan soo baxay waxay kaydiyeen dahabkii;waxayna sameeyeen in qofkuu dahabka u dhiibta ay u qoraan waraaq sheegaysa in dahab xadi go'an ah uu u  yaalo baanka qofkan, isna uu sidaas waraaqdaas wax ugu iibsan jiray. Xadaaradii Baananku Markay korodhay Waraaqo badan ayay
sameeyaan oo ay damaanadana iyagu ka yihiin.
Waraaqdaasina waa lacagta maanta  wax lagu kala iibsado, isbedeladii dheeraa ee ku yimi lacagtu, waxuu maanta marayaa in aan lacagti waraaqda ahayd loo baahan oo la isiticmaalo qaab ah (Sight deposit/book money)sida Zaadka ama E-dabka ; taas oo bedeli doonta lacagta maanta la isticmaalo sanandaha soo socda. hadii aynu inta kaga tagno taariikhda lacagta; aan eegno waxay qabato lacagtu 



Maxay qabataa lacagtu? afar shaqo uunay lacagtu qabataa:

  1. Halbeeg wax lagu Qiyaaso ama lagu xisaabiyoMeasurement of value): halka miisaanka ayay gashaa oo wax kastoo la qiyaaso waxa loo sameeya qiime hal beeg u ah.
  2. Waxbaa lagu kala iibsadaa   ( Medium of exchange):Alaab iyo adeegba waxaa loo isticmaala lacagta in wax lagu kala bedesho.
  3. Qiime kaytsamayaStore of value ):waxay noqotaa shay kaydsama, oo waa taas baananka loo sameeystay in lagu kaydiyo.
  4. waxa lagu bixiyaa dayta  (  Standard of deferred payments ): qofku markuu dayn qaato waxuu ku bixin doona lacag, sidaasayna ku noqota shay daynta lagu bixiyo. 
Qofku markuu alaab iibinayo, qiimaha uu soo siistay waxuu saari karaa qiime kale oo la yidhaahdo faa'ido (profit) ama ribix. hadii se qofku lacagta lacag kale ka faaido waxa la yidhaahdaa (interest)
ama ribo oo waa xaaraan, taas macnaheedu waa lacag lacag la dulsaaray iyadoon wax lagu qaban waa xaaraan. 
Dulsaarka waxaa qaata qofka ama baanka oo hadba mid baa faa'ido ka daya.
Diinteena Suubani wa inaga xaaraantimaysay Ribbada. Qof inaad dayn amaahisaa waa samafal aa u gashay,  samafalkii inaad ka iibisaa waa  Ribbo.!!!

Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)

abkoo2012@gmail.com;065-9155222
 kala soco Maqaaladii hore halkan  Baxwal.blogspot.com


Saturday, January 16, 2016

HOGAAMIYE WAA KUMA?

HOGAAMIYE WAA SHAKHSI WAX KA BADELI KARA DURUUFTA AY KU JIRTO  BULSHADIISU, WAXAA UU DADKA KAGA DUWAN YAHAY ARAGTI FOG,U DANAYNTA BULSHADA, KICINTA IYO DHIIRI GELINTA BULSHDADA  IYO HIRGELINTA QORSHAYAASH.HOGAAMIYE WAA SHAKHSI AAN KU XISAABTAMIN WAXA INTA BADAN DADKU MANFACA KA DOONAAN SIDA QABIIL, LACAG IWM. WAA SHAKHSI ISKU KALSOON OO AWOOD LEH. MARKA LAGA HADLAYO HOGAAMIYE MACNAHEEDU MA AHA QOF  U SAREEYO XAFIIS SIYAASADEED SIDA MADAXWEYNE, RAISAL WASAARE IYO WASIIR AMA XAFIIS SHIRKADEED SIDA GUDOOMIYE SHIRKADEED, MAAMULE  IWM, LAAKIIN HOGAAMIYE WAA SHAKHSI MEEL DHEX KAGA JIRI KARA DAWLADA AMA SHIRKAD LAAKIIN AH QOF WAX KU SOO KORDHIYA HADBA HALKA UU SHAQADA KAGA JIRO OO AAN KU XISAABTAMIN INUU WIXII UU SANADKII HORE QABAN JIRAY QABTO OO KELIYA , EE WAXUU KU FEKERAA INUU WAX CUSUB SOO KORDHIYO. WAXAAN KU SOO KOOBAYAA.HOGAAMIYE WAXUU SOO SAARAA HOGAAMIYEYAAL KALE, WAX UU CURIYAA HIRAALO BADAN, WAXUU HIRGELIYAA HIRAALKII UU SAMEEYEY, WAXUU U ARKAA SHACABKIISA INUU ADEEGE U YAHAY EE UMA ARKO IN AY ISAGA ADEEGAYAAL U YIHIIN, HOGAAMIYE SHAQADIISA KOWAAD WAA INUU ILAALIYO CAQIIDADA BULSHADIISA.

HOGAAMIYE WAXUU DADKA KALE KAGA DUWAN YAHAY WAXUU SHAQEEYAA WAQTI BADAN SI UU HIRAALKIISA U GAADHO, WAXA UU WAYDIIYAA DADKA TALO WAAN AMRAA, HOGAAMIYUHU MA TIXGELIYO DURUUFTA KU XEERAN EE KA HOR ISTAAGAYAA INUU GAADHO HALKUU DOONAYEY.

WAXAA KU KOOBYAA HOGAAMIYE WAA ISBEDEL DOON 

Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)
abkoo2012@gmail.com.
 kala soco Maqaaladii hore halkan  Baxwal.blogspot.com

RIBBO AMA DULSAAR (INTEREST) MAXAY TAHAY?

Maqaalkan Kii ka horeeyey waxaan kaga hadlay waxa uu baan Ganacsi qabto, Qodobkan  waxaan kaga Hadlayaa Waxa la yidhaahdo RIBO? sharciyan Ribo waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah:
 (1) Riba Alfadli: Waxa timaadaa,marka walxaha ribawgi ah (ribadu gasho) sida Dahabka, Qalinka(silver) Timirta, Qamadiga, Shaciirka ama cusubada(Milicda), isla walaxdii laftigeedi la isku bedelo(Gado), iyadoo la kala badinayo. Waxayna dhacdaa marka Tusaale ahaan Marka hal kiiloo oo dahab ah lagu bedesho labad kiiloo oo dahab ah,oo ay isku nooc yihiin xaga tayada ama kala tayo duwan yihiin.Waxan la mid ah taas, marka boqol dollar ($100) oo cusub oo soo baxay 2015 lagu bedesho boqol iyo toban dollar ($110)  oo soo baxay 1995.

 (2)Riba Al Nasii'a: waxa lagu dhacaya Marka qof la daymiyo muddo cayiman (Bil, sanad, IWM), walxaha (ashyaa) ribawgia ah (ribadu gasho) sida lacagta, dahabka, ama timirta, Markii muddadii dhamaatana uu qofkii deynta qaatay soo celinaayo deytii uu qaatay oo lagu daray wax dulsaar ama ribo oo lagu xidhay laguna shardiyay. Waxay taasi imanaysaa Marka hal kiilo oo timirt tusaale ahaan qof la daymiyo, sanad ka dibna uu qofkii ku qasban yahay, inuu soo celiyo laba kiiloo oo timir ah

(Xigasho: Kitaabka  uu qoray Maxamed Abshir Diiriye ee la yidhaahdo RIBADA QARSOON boga 23)

Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)
abkoo2012@gmail.com  kala soco Maqaaladii hore halkan  http://baxwal.blogspot.com/
Kala soco qaybta danbe sababta lacagtu ribadu u gasho ..............................

Friday, January 15, 2016

HA DHIBIN MUWAADIN DHIBAN

Marka aad dhex marayso Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxaad ku arkaysaa dad maskaxda ka xanuunsanaya oo aad u dhiban kuwaas oo la'a cid gacan qabata. Masuuliyada kowaad waxay saaran tahay dawlada, Marka labaad dadka ilahay waxa siiyey haday tahay mid aqoontiisa wax ugu qabta,mid hantidiisa wax ugu qabta,  iyo mid u hadlaba. Xanuunada maskaxda marka laga yimaado inta dhib ku dhacay ama dhaxlay waxaa inta badan keena mukhaadraadkan qaadka la yidhaahdo oo dadkeenii lagu imtixaamay, waxaad arkaysaa mid aad u dhiban oo gaajo soo gelisay gooba ama meherad laga cunteynayo oo intaanu soo gaadhin kii meherada haystay dadkii meesha ka cunteynayey ay iyagii ku sii qaylinayaa oo adhanaya naga saar, bal hadii maqaaxidii, hudheelkii, iyo macmacaalihiiba laga eryo xagee wax ka cunayaa?hadii kii u nixi lahaa ee wax siin lahaa ku qalinayo oo diidayo inuu meherada ugu soo galo yaa caawinaya? waxaan xalay ku arkay hudheel ka mid ah xudheelada magaalada oo aan wax ka cunayey  inta uu nin maskaxda ka xanuunsanayaa oo lacag sitaa soo galay oo loo diiday in wax laga iibiyo.
MISKIIN

Meeshan aad SAWIRKA ku arkaysaan waa Badhtamaha Magaalada Hargaysa, Waa Salaadii Jimce ka dib waxaa is dhex yaacaya dadweynaha oo qaarkood Gawaadhi ku qado tegayaan qaarna lugaynayaa, ninkaa idiin muuqaa waxuu fadhiyaa wadada dhexdeeda waa nin miskiin ah oo xanuunsanaya markuu waayey cid u gargaarta oo wax siis ayuu go'aansaday inuu wadadii gawaadhu cidhiidhiga ku maraysay inuu fadhiisto bal inuu in cidi ka naxdo helo oo bal wax la siiyo, iska daa in wax la siiyee waa lagu qaylinayaa "waar wadada nooga kac" isagu waa muwaadin dhiban oo muwaadinkii u gargaari lahaa naxaris ka waayey.HA DHIBIN MID DHIBAN, UNA GARGAAR MASAAKIINTA, ILAHAY HA KUU GARGAAREE



Wednesday, January 13, 2016

Baananka Ganacsi (Commercial Banks) maxay tahay sh...

 Baananka Ganacsi (Commercial Banks) maxay tahay sh...:  Golaha Wakiilada  Somaliland waxuu beryahan ka doodayey xeer ku saabsan ganacsiga, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii lagag hadlayey Baananka...

Tuesday, January 12, 2016

Baananka Ganacsi (Commercial Banks) maxay tahay shaqadoodu?

 Golaha Wakiilada  Somaliland waxuu beryahan ka doodayey xeer ku saabsan ganacsiga, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii lagag hadlayey Baananka Ganasiga ah.
waxaan halka ku sharaxi doonaa Baananka ganacsigu maxay yihiin? maxay ka shaqeeyaa? waa imisa nooc? maxay faa'idaan? siday u faa'idaan?.

Baanka Ganacsi (Commercial Bank) waa haayad ka shaqaysa lacagaha oo  gaar loo leeyahay.
waxay  u shaqeeyaan dadweynaha iyo Shirkadaha, waxay u kala baxaan guud ahaan  kuwo lacagaha qabta iyo kuwo maalgelin sameeya. Shaqadoodu waa:
  1.  Waxa ay qabtaan  lacagaha (deposit),  waxayna u  kala baxan kuwo waqtig go'an leh iyo kuwo aan waqti go'an lahayn.
  2.  Waxay kale oo baanka ganacsi bixiyaa daymaha ganacsi(business loans) daymahaas oo kala ah lacago ay dadka amaahiyaan, Guryo, gawaadhi, Maalgelin IWM. 
  3. ,Iyo  adeegyo kale oo la xidhiidhka ganacsiga.

Baananka Ganacsi waxaa loo samaystaan in lagu raadiyo Faa'ido (profit) waxaa inta badan leh dad gaar ah. waxyaabah kale ee ay qabtaan  waxaa ka mid ah:

  1.  Isu gudbinta lacaga iyo macluumaadka la xidhiidha (Transfer of funds): waxay bixiyaan adeeg ah in ay macaamiishooda sida shirkada u gubiyaan lacago ama macluumaad la xidhiidha lacago.
  2. waxay kale oo maacmiishooda u qabtaan adeeg kale oo ah inay u soo ururiyaan biilaal (bills), (cheques) lacagaha jeejajaga ku qoran,(rent) kirooyin, iwm. waxaa kale oo macaamiishooda ka caawiyaan inay ka sii bixiyaan lacagaha sida cashuurta IWM.
  3. waxay bananka qaar dawladu u xilsaartaa oo awoodu u siisaa inay  bixiyaan adeega ah sarifka lacagaha qalaada (foreign Exchange).
     Sidee u faa'idaan?
       Faaidada ugu badan waxay ka soo saaraan dulsaarka(interest) ay dulsaaraan lacagaha ay maamulaan, marka laga yimaado meelo yar oo ay maalgashi ku sameeyaan(invest). dulsaar waa rebo, rebona diinteena waa ku xaaraan markaa waxaan u soo jeedin lahaa mudanayaasha Golaha wakiilada ina ay aad ugu fiirsadaan talaabada ay ka qaadayaan arrinkankan oo ay xisaabtana  ku darsadaan oo qaataan talooyinkii wax ku oolka ahaa ee Culimada Somaliland kaga hadlayaan arrrinkan.

Shakhsiyan waxaan aaminsanahay in Baananka doonaya in ay ribo bixiyaan waxayaabaha u fududaynay in ay suuqa soo galaan waxaa ka mid ah Baananka ku shaqeeya Hanaanka Islaamka oo aan sidii la rabay Bulshada ugu shaqayn, lacaga ama maalgashiyada ay bixinayaan ku xidhay shuruudo ay adagtahay in bulshada maalgashiga u baahin buuxiso,shaqadooda oo ku kooban mashaariic aan badnayn.

Bananka Hanaanka Islaamka ku shaqeeya(Islamic Banks) waa in ay adeega u fududeeyaan dadweynaha ama shirkadaha ay u shaqeeyaan si aanay Baanana ribo ku shaqeynayaa suuqa u soo gelin, waana in ay soo kordhiyaan adeegyo faro badan oo maanta dalka looga baahan yahay dadka iyo dalkana faa'ido u leh oo aanay ku koobnaan meelo kooban sida gaadiid ay dadka amaahiyaan ama meherada sii shaqaynaysay oo ay xoogaa ugu sii daraa.
waxay ahayd inay maalgashiyo faro badan oo iyaga ay wax ka faa'idayaan sameeyaan oo ay ka mid tahay  in ay guryo qiimahoodu jabana yahay u  dhisaan dan yarta kana kireeyaan, ama beero maalgeliyaan si faa'ido uga soo baxdo. Waxaynu sugnaaba waa Talaabada Golaha Wakiilada Somaliland ka qaadan doonaan dalka. Maqaalkayga xigana waxaan kaga hadli doonaa Dulsaar(interest) ama RIBO Maxay tahay?


Yaasiin Baxwal
dhaqaale yahan
065-9155222