Tuesday, January 19, 2016

LACAGTU MAXAY QABATAA? SIDEENA RIBBADU U GASHAA?

Maqaalkii hore ayaan kaga hadlaya Ribada; maqaalkan waxan ku eegayaa lacagta(currency).

Taariikhda Bini aadamka marka diba loo raaco, markii ay bilaabeen ganacsiga ma jirin lacag la isticmaalo ee waxa la isticmaali jiray hab ah in alaab waxa lagu kala bedesho, tusaale ninka haysta neef adhiya ee doonaya hal kiish oo qamadi ahi;waxuu kaga bedelan jiray qofkii doonaya adhiga ee haysta qamadi, alaab baaan la isdhaafsan jiray.

Muddo ka dib waxaa bilaaban tahay in waxyaabaha wax lagu kala bedelan karo qaar loo qoondeeyey sid subag, malabka, raashinka oo ay noqdaan lacagta waxa lagu kala bedesho. sanadadu way is gurayaane waxaa aakhirkii loo daayey in walxaha la isku qurxiyo loo adeegsado lacag ahaan, taas oo mudd dheer la isticmaalayey.

Markii danbe waxaa soo baxay baananka oo iyana siday u soo baxeen u baahan tahay maqaal gaar ah, baanankan soo baxay waxay kaydiyeen dahabkii;waxayna sameeyeen in qofkuu dahabka u dhiibta ay u qoraan waraaq sheegaysa in dahab xadi go'an ah uu u  yaalo baanka qofkan, isna uu sidaas waraaqdaas wax ugu iibsan jiray. Xadaaradii Baananku Markay korodhay Waraaqo badan ayay
sameeyaan oo ay damaanadana iyagu ka yihiin.
Waraaqdaasina waa lacagta maanta  wax lagu kala iibsado, isbedeladii dheeraa ee ku yimi lacagtu, waxuu maanta marayaa in aan lacagti waraaqda ahayd loo baahan oo la isiticmaalo qaab ah (Sight deposit/book money)sida Zaadka ama E-dabka ; taas oo bedeli doonta lacagta maanta la isticmaalo sanandaha soo socda. hadii aynu inta kaga tagno taariikhda lacagta; aan eegno waxay qabato lacagtu 



Maxay qabataa lacagtu? afar shaqo uunay lacagtu qabataa:

  1. Halbeeg wax lagu Qiyaaso ama lagu xisaabiyoMeasurement of value): halka miisaanka ayay gashaa oo wax kastoo la qiyaaso waxa loo sameeya qiime hal beeg u ah.
  2. Waxbaa lagu kala iibsadaa   ( Medium of exchange):Alaab iyo adeegba waxaa loo isticmaala lacagta in wax lagu kala bedesho.
  3. Qiime kaytsamayaStore of value ):waxay noqotaa shay kaydsama, oo waa taas baananka loo sameeystay in lagu kaydiyo.
  4. waxa lagu bixiyaa dayta  (  Standard of deferred payments ): qofku markuu dayn qaato waxuu ku bixin doona lacag, sidaasayna ku noqota shay daynta lagu bixiyo. 
Qofku markuu alaab iibinayo, qiimaha uu soo siistay waxuu saari karaa qiime kale oo la yidhaahdo faa'ido (profit) ama ribix. hadii se qofku lacagta lacag kale ka faaido waxa la yidhaahdaa (interest)
ama ribo oo waa xaaraan, taas macnaheedu waa lacag lacag la dulsaaray iyadoon wax lagu qaban waa xaaraan. 
Dulsaarka waxaa qaata qofka ama baanka oo hadba mid baa faa'ido ka daya.
Diinteena Suubani wa inaga xaaraantimaysay Ribbada. Qof inaad dayn amaahisaa waa samafal aa u gashay,  samafalkii inaad ka iibisaa waa  Ribbo.!!!

Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)

abkoo2012@gmail.com;065-9155222
 kala soco Maqaaladii hore halkan  Baxwal.blogspot.com


No comments:

Post a Comment