(1) Riba Alfadli: Waxa timaadaa,marka walxaha ribawgi ah (ribadu gasho) sida Dahabka, Qalinka(silver) Timirta, Qamadiga, Shaciirka ama cusubada(Milicda), isla walaxdii laftigeedi la isku bedelo(Gado), iyadoo la kala badinayo. Waxayna dhacdaa marka Tusaale ahaan Marka hal kiiloo oo dahab ah lagu bedesho labad kiiloo oo dahab ah,oo ay isku nooc yihiin xaga tayada ama kala tayo duwan yihiin.Waxan la mid ah taas, marka boqol dollar ($100) oo cusub oo soo baxay 2015 lagu bedesho boqol iyo toban dollar ($110) oo soo baxay 1995.
(2)Riba Al Nasii'a: waxa lagu dhacaya Marka qof la daymiyo muddo cayiman (Bil, sanad, IWM), walxaha (ashyaa) ribawgia ah (ribadu gasho) sida lacagta, dahabka, ama timirta, Markii muddadii dhamaatana uu qofkii deynta qaatay soo celinaayo deytii uu qaatay oo lagu daray wax dulsaar ama ribo oo lagu xidhay laguna shardiyay. Waxay taasi imanaysaa Marka hal kiilo oo timirt tusaale ahaan qof la daymiyo, sanad ka dibna uu qofkii ku qasban yahay, inuu soo celiyo laba kiiloo oo timir ah.
(Xigasho: Kitaabka uu qoray Maxamed Abshir Diiriye ee la yidhaahdo RIBADA QARSOON boga 23)
Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)abkoo2012@gmail.com kala soco Maqaaladii hore halkan http://baxwal.blogspot.com/
Kala soco qaybta danbe sababta lacagtu ribadu u gasho ..............................
No comments:
Post a Comment