Lagana hortago waxyaabaha madaxweynayaashii somaliland soo maray lagu eedayn jiray,
loona helo madaxweyna taageero badan ka haysta shacabkiisa:
qodobada laga rabo waxaa ka mid ah :
- WAA IN AANU SIDAN DAL KU GAL SHISHEEYE(foreign passport): haddii madaxweynuhu sito dalku gal dal kale,taas waxay ka dhigan tahay in 50% yahay ajnebi, marka si uu u noqdo 100% muwaadin waa in aanu sidan weligiina qaadan baasaboor dal kale.
- WAA IN AANU XAAS LAHAYN : sanadihii ugu danbeeyey ee siyaasada somaliland waxaa ku soo badanaysay dad ka cabanaya in siyaasada dawlada xaasaska madaxweyneyaashu ay awood ku leeyihiin, si cabashadaas loo yareeyo waa in uu xaaskiisa furaan ama aanu marka horeba guursan.
- WAA IN AANU 60JIR KA WEYNAAN : ninka dalka u talinayaa hadii uu noqdo nin da'ahaan weyn ama ka weyn 60 sano, waxaa dhici karta unuu noqdo nin weyn oo hawlo badan oo qaban kari lahaa aanu qaaban karin, shacabkuna ay cabasho badan ka muujiyaan in madaxweynihii dalku u talinayey uu ka gaboobay, si aan taasi u dhicin waa in aanu ka weynaan 60 jir.
- WAAIN AANU AHAYN QABIILADA SOMALILAND DEGAN: Madaxweyneyaashii somaliland soo wada maray waxay ka soo jeedaan qabiilada somaliland degan taasi waxay keentay in qabiiladii kale ku eedeeyaan reer hebel baan dalka ka taliya,halka qabilka uu ka soo jeedaana leeyihiin inta aynu xilka hayno aynu ka faa'idaysano wixii aynu qabsan karno. si aan taasi u dhici waa inuu ahaadaa madi keligiis ah.
- WAA IN AANU SOMALIA LA SOO SHAQAYN: si looga hortago in lagu eedeeyo somalia ayuu ka soo shaqeeyey oo fedaral iyo wax la mid ah ayuu doonayaa waa ina aanu somaliyada la sheegayoba aqoon.
- WAA IN CAALAMKA LAGA AQOON: waa inuu ahaadaa nin aan laga aqoon caalamka sida UN,AU,USA, EU, taas oo u saamaxaysa inuu si xor ah u fekero oo aanu cidna ka haybadaysan,
- WAA IN U AHAADAA MUWAADIN XOOLO DHAQAT AH : waa in uu aaminsan yahay in dunida somaliland ugu qanisan tahay, xoolo nool sida geel iyo adhina waa inuu dhaqdaa sii ula socda duruufaha xooleena haysta dhinaca kale, waa in aanu dawladaha aduunka weydiisan caawimo, cuntada wadankiisa cunaa, dadkiisan kula taliyaa inay dalkooda wax kala soo baxaan.
- WAA IN AANU XISBINA AHAYN: waayo? hadii uu xisbi kasoo baxo waxay ku noqnaysaa caqabad waayo asxabtiisa ayaa badanaysa, dadkii xisbiga maal gashaday oo xil doona ah ayaa mashquulinaya, beela ka sugaya xisbiga ayaa jira markaa si aan taasi u dhicin waa in aanu xisbiba ka soo bixin.
- WAA IN AANU MAR LABAAD ISA SOO SHARIXIN: madaxweynaha mustaqbalka somaliland waa inu aanu mar labaad isa soo sharaxin oo uu hal mar xilka hayaa loogana dhigaan 7sano si looga hortago korodhiismo, doorasho danbe oo lacag loo ururiyona meesha laga saara.
Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)
abkoo2012@gmail.com
kala soco Maqaaladii hore halkan Baxwal.blogspot.com
No comments:
Post a Comment