Friday, September 22, 2017

BARNAAMIJKA SIYAASIGA AH EE XISBIGA WADDANI

Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI, waa buug ka hadlaya dhamaan hiigsiga, himilada iyo qorshe hawleedka siyaasadeed ee xisbiga WADDANI, waxaan idinku soo gudbin doonaa habqoraaleed kooban, si bulshada inta aan helin buugan ay u hesho qoraalkii oo loo soo fududeeyey.
sida uu u qoran yahay waxna kuma dari doona waxna kama dhimi doono ee waxan idiin soo gudbin doonaa sida uu u qoran yahay. Si qof waliba u heli karo habqoraaleedkii uu buugu u daabacnaa.
 Ujeedada aan ka leeyahay waxa ka mid ah:
  1. In uu gaadho bulshada intii aan helin ama akhrisan Buugga ka hadlaya Barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI.
  2. in qofkasto oo xiisaynaya ama doonaya inuu ogaado Barnaamijka xisbigu inu u heli karo hab toos ah (online).
  3. in bulshada inta aan xisbiga taageersanayn lagu dhiiri geliyo in ay akhristaan oo  barbar dhigaan barnaamijyada xisbiyada kala oo ku go'aan qaataan.
Waxan ku bilaabi doonaa qaybta ugu horeysa  oo cinwaankeedu yahay.
QAYBTA KOWAAD : EREYGA GUDOOMIYAHA

BISMILLAHI RAXMAANI RAXIIM,

Muwaadin,waxa farxad weyn i gelinaysa in aan kula wadaago barnaamijkan siyaasiga ah ee uu hogaanka xisbiga WADDANI ku tali jiro in uu fuliyo.kuna hogaamiyo qaranka jamhuuriyada Somaliland .Wuxuu barnaamijkani xanbaarsan yahay hiigsi ah sidii aynu innaga oo wada jirna u sugi lahayn qormada aqoonsiga aynu ku leenahay bahweynta bulshada caalamka.calankeenuna uga baban lahaa xarunta jimciyada quruumaha ka dhaxaysa;si ay dadkeenu ugu naaloodaan nabad waarta,sidii ay u dhisan lahaayeen bulsho gaadha barwaaqo iyadoo oo ku dhaqmeysa habka dimuqraadiyadda wada-tashiga ku dhisan,kuna salaysan dhaqanka  Diinta ISLAAMKA ee suuban.

Xisbiga WADDANI, wuxuu ku dhashay dareen iyo go'aan ah in dib loo culo weelka siyaasadda,lana keeno dhiig cusub iyo maskax firfircoon oo lagu dardar-gelinayo xaqiijinta himilooyinka ummadda Somaliland.Wuxuu albaabo cusub u furayaa da'yarta si ay xooggooda maskax iyo muruqba ugu dhisan lahaayeen dalkooda,isaga oo bulsho weynta ku hoggaaminaya hiraal iyo hiigsi midaysan;Bari,Badhtamaha iyo Galbeedba.

Barnaamij Siyaasadeedkan Xisbiga WADDANI  wuxuu ka dhashay wada tashi dheer,isqancin,doodo iyo lafo gur taxadar leh,waana mid ku qotoma u gondo-degga xallinta baahiyaha dhabta ah ee dadka iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalkaba. Hiraalka iyo Hiigsiga barnaamijkan waxa udub dhexaad u ah hirgelinta caddaaladda ay muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland u haraadan yihiin, taas oo lagu gaadhayo isbeddelka siyaasadeed ee qoto-dheer ee uu xambaarsan yahay barnaajiku.
 
 Hogaanka Xisbiga WADDANI wuxuu hiigsanayaa in qarankeenu ku dhex-yeesho bulshada caalamka karaamo iyo magac u qalma hanka ummadadiisa iyo dhaxalka ay u reebayaan jiilalkooda soo socda.

DR. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CIRRO)
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.
intaa waxan ku soo afmeerayaa Ereygii gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.
LA SOCO QAYBTA LABAAD ............ 

DHAMAAD Qaybtii kowaad
BY: Yaasiin Baxwal.
065-9155222.
Hargaysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment