Waa Qaybtii labaad ee qormooyinkii aan ugu talo galay bulshada si ay uga faaidaystaan si fududna u helaan Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI.
MABADI'DA MUCAARADKA AH EE XISIBGA WADDANI;
Xisbiga Waxuu:
- Hirgelinayaa doonista aan nasashada lahayn ee dadka Jamhuuriyada Somaliland qaranimadooda ugu raadinayaan aqoonsi caalami ah, iyo in ay dhistaan bulsho ku dhaqan xornimo iyo cadaalada.
- Sugaya sinaanshaha buuxa ee muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland,korrinka dhelitirka ee gobollada dalka iyo awood qaybsiga kuraasta iyo kharyraadka dalka oo si caddaalada ah loo qaybsado.
- Hirgelinta ku dhaqanka qaynuunka iyo xeerarka dalka u yaal,iyadoo la dhawrayo xorriyada aasaasiga ah iyo badbaadada dadka.
- Hogaaminaya qaran ku abtirisada taariikh hodon ah ee ka soo xidhiidhsan xadaaradda Awdal,boqortooyadii bariga Sanaag, Halgankii daraawiishta, halgankii gumeysigii lala galay iyo halgankii dibu u xorraynta qaranka ee SNM.
- Si buuxda ugu dhaqmaya una ilaalinaya Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ,xeeerarka qaranka iyo wada-tashiga dimuqraaddiga ah.
- Ku barbaarinaya taageerayaashiisa tartanka xalaasha ah ee Doorashooyinka, nidaamka dumuqraadiga wadatashiga ah iyo qaybaha kale ee nolosha bulshada oo dhan.
- Ballan qaadaya ku dhaqanka hab xisaabeedka maaliyadda oo daah-furan iyo isla xisaabtan joogto ah .
- Dhamaystirka Mashaariicda qaran ee ahmiyadda leh socota,sida wadada Ceerigaabo.
- Ilaalinaya Xaquuqda qaybaha bulshada ee dulman ee ay ka midka yihiin beelaha dulman,haweenka,dhalinyarada iyo naafada;isagoo damaanad qaadaya in ay si buuxda uga qayb galaan qaab-dhismeedka xisbiga ka xukuumada xisbiga WADDANI ba.
- Hirgelinaya dhaqanka suuban ee Diinta ISLAAMKA, akhlaaqiyaadka iyo dhawrsoonaanta shaqo; waxa ka reeban barnaamijka siyaasiga ee Xukuumada WADDANI wax kasta oo ka soo horjeeda Diinka ISLAAMKA.
- Ka soo horjeeda nooc kasta oo takoor ah oo bulshada Jamhuuriyada Somaliland u kala qaybinaya qabaa'il,jinsi,gobol,iyo nooc kasta oo kale oo kala qoqob ah.
- La dagaallamaya isku-day kasta oo wax u dhimaya midnimada ummada Jamhuuriyada Somaliland,dhamaanshaha dhul ahaaneed, nabadda iyo degganaanshahaba.
Intaas waxa ku soo dhamaaday qormadii labaad ee Barnaamijka Xisbiga WADDANI.
DHAMAAD
BY: Yaasiin Baxwal.
065-9155222.
Hargaysa, Somaliland
KALA SOCO MAQAALADII HORE https://baxwal.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment