Saturday, March 26, 2016

WAXYAABAHA U GAARKA AH BORAME? 'Warbixin kooban oo xiiso badan'.


Borame waa xarunta Gobolka Awadal, waa xarun ku caan ah aqoon. Dad aad u faro badan ayaa booqda, mid waxbarasho u taga iyo mid si kale u tagaba.Safarkii iigu danbeeyey ee aan ku tago waxaan tegay 2011kii, waxaan ii muuqday isbedel faro badan oo dhinacyo badan taabanaya.

Waxaa si gaar ah ii soo jiitay wadad isku xidha Kala baydh iyo Borame oo wado raf ah u badnayd oo laga dhigay laami, oo in yari rafkii ku sii hadhay. Waxaa kale oo horumarku ka muuqdaa magaalada dhexdeeda oo aad ka arki karto dabaqyada, meheradaha waaweyn ee ganacsi  iyo Huteelada cusub ee laga dhisayo.
 Borame waxay caan ku tahay Hudheel cagaaran oo la yidhaahdo RAYS.
 RAYS waa Hudheelka aan is idhi malaha kanaa magacii ku haboona la baxay oo waa meel wada cagaaran oo indhuhu ku doogsadaan.

Waxaan arkay hudheel aad u qurux badan oo la dhisayo, oo dadka suuqa joogaa markaad waydiiso magaciisa kugu jawaabayaan  ‘Rays baa yaabay’, laakiin maaha magaciis rasmiga ah ee waa kan ay ku dacaayadeeyaan.

Waxaan ka qayb galay xaflada loogu dabaal degayo, arday ka qalin jebsiay barashada cilmiga horumarinta adaamaha, waa aqoon u gaara ah reer borame oo aan inta badan laga aqoon ama aan lagu dhigin dalka intiisa kale intaan ka war hayo.

Suuqa markaad marmarto waxaad arkaysaa boodhadh ay ku qoran tahay la talinta adamaha ama la talinta  bulshada. Waxaan odhan karaa waa bulsho u diyaar garawday inay horumariyaan deegaankooda.

Dhinac kale waxaan ku tukaday mid ka mid ah masajidada ugu waa weyn Magaalda oo aan ku arkay raashin aad u faro badan oo noocyadii kale duwan oo yaal xaga danbe ee masjidka , cid maan weydiin laakiin waxaan iska gartay inuu yahay raashin loogu talo galay in bulshada tabaalaysan ee abaaruhu aafeeyeen lagu caawin doono.
Khubadii jimcuhuna waxay ka hadlaysay, sidii loo toobad keeni lahaa.
 Waxaa kale oo masaajidka lagaga hadlayeye sidii looga qaybqaadan lahaa taakulaynta bulshada abaaruhu aafeeyeen.
Borame oo ah Magaalo dhisantay Hadan waxaa ii muuqanaysay in masaajidadu aanay ku filnayn bushada doonaysa inay cibaadaystaan oo ay buuxsamayeen, loona baahan yahay in la balaadhiyo masaajidada ama kuwa cusub lagu kordhiyo.

Waxyaabaha u gaar ah Borame:
  •  Waa dad degan oo aan  hadalkoodu  aad u  dhaadheerayn, kuwa iibiya qaadka iyo kuwa iibiyo  bagaashka ama dhakarka  lama kala garto oo mid waliba waa iska aamusan yahay, si bilaa qaylo ah bay wax u iibinayaa oo dadka agmaraya ku  dhegdhegi maayaan sida casimada ka dhacda.
  •  Gaadiid aad u raaxo macaan oo ay leedahay shirkada Sahal Transportation and logistics ayaa isna sii kordhinaya xiisaha  tegida Borame
  •  Waa busho dhalinyaradeedu aad isugu xidhan yihiin oo isu caawiyaan, waxa asxaab badan oo aan meesha ku lahaa ku mashquulsanayayeen taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen
  • Xagga Cuntada Markaan eego waa bulsho aan aad u isticmaalin hilibka geella oo ay ku ciladeeyeen inuu adag yahay. inta badan waxay isicmaalaan hilib lo'aad ama adhi.
  • Waxa aad u isticmaalaan gaadiidka bajaajta oo meel walba maraysa, 
    Gebogebadii waxaan ugu hanbalyeynayaa Horumarka Borame gaadhay, waxaana u ducaynayaa bulshada abaartu haysay ee deegaanka ka tirsan. 

Yasin Moh'ed Farah (Baxwal)
abkoo2012@gmail.com

Wednesday, March 23, 2016

WAA KUMA HURRE WALANWAL?


TAARIIKHDA HURRE WALANWAL OO KOOBAN

Cismaan Ibrahim Warsame oo ku magac Dheer Hurre Walanwal Magaca Hooyadii waa Kaah Jaamac Buux. waxuu ku dhashay Magaalada Caynaba sanadkii 1945 Waxuu ku barbaray Degmada X.Xasan Geelle (hore loo odhan jiray Balidhiig) iyo degmada Buuhoodle oo u kala dabqaadi jiray waxuuna waqti badan ku oo qaatay Baadiyaha ama Miyiga Degmooyinkaas iyo hawdka sare, sanadkii uu dhashay waxaa ka baxay reerkiisa xoolihii  Sanadkii La Odhan jiray Hayaan Dheer oo reerkooda ku keliftay in ay u soo guuraan Magaalada Caynaba . Abwaan Hurre Walanwal waxu  dhalay  6 wiil iyo  Hal gabadh.
Abwaan Hurre waxuu la dhashay 8 wiil iyo Gabadh oo saddex ka mid ahi ay ku dhasheen Caynaba.
Abwaan Hurre waxuu ku weynaaday xoolo dhaqatinimo, dhaqanka oo uu aad u yaqaanay iyo hibada uu ilahay siiyey awgeed waxuu noqday dadka lagu magcaabo Hoobal, ama dibnomaal, waxa kale oo loo yaqaanay Orginaagood waxuuna ahaa hal abuur caan ah.
Taariikhda uu hana qaaday Abwaan Hurre Astaamaha lagu Sahansho Qofka Fiican waxa ka mid ahaa  Ciyaaryahanimada iyo Aftahanimda Hal abuureed.
Abwaan Hurre oo ahaa aftahan lagu yaqaano Heesa Ciyaareedyada Aroos  IWM, waxanay Heesahaa ku kulmeen dad aad u faro badan. Heesaha Tisqaadayna waxaa ka mid ahaan Heesta Duug Reeb.

Hurre walanwal waa Hal abuur suugaan yahan ah oo ku xeel dheer dhaqanka.

Maqaalkan waxaa ka soo xigtay Buugga AFTAHAN  oo aan todobaadka danbe insha allahu aan daah furi doono.

Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)
abkoo2012@gmail.com;065-9155222
kala soco Maqaaladii hore halkan  Baxwal.blogspot.com

Wednesday, February 17, 2016

SAGAAL SHURUUDOOD OO MUSHARAXA MADAXWEYNE EE SOMALILAND LOOGA BAAHAN YAHAY

Sida aynu ka warqabno waxaa muddo koobani inaga xigaan, doorashooyinkii madaxweynaha iyo barlamaanka. Waxaan ii muuqatay in loo baahan yahay in shuruudo loo sameeyo madaxweynaha soo socda.
Lagana  hortago waxyaabaha madaxweynayaashii somaliland soo maray lagu eedayn jiray,
 loona helo madaxweyna taageero badan ka haysta shacabkiisa:
qodobada laga rabo waxaa ka mid ah :

  1. WAA IN AANU SIDAN DAL KU GAL SHISHEEYE(foreign passport):                              haddii madaxweynuhu sito dalku gal dal kale,taas waxay ka dhigan tahay in 50%  yahay ajnebi, marka si uu u noqdo 100% muwaadin waa in aanu sidan weligiina qaadan baasaboor dal kale.                                                                                                                                                      
  2. WAA IN AANU XAAS LAHAYN : sanadihii ugu danbeeyey ee siyaasada somaliland waxaa ku soo badanaysay dad ka cabanaya in siyaasada dawlada xaasaska madaxweyneyaashu  ay awood ku leeyihiin, si cabashadaas loo yareeyo waa in uu xaaskiisa furaan ama aanu marka horeba guursan.                                                                                                                                
  3. WAA IN AANU 60JIR KA WEYNAAN :  ninka dalka u talinayaa hadii uu noqdo nin da'ahaan weyn ama ka weyn 60 sano, waxaa dhici karta unuu noqdo nin weyn oo hawlo badan oo qaban kari lahaa aanu qaaban karin, shacabkuna ay cabasho badan ka muujiyaan in madaxweynihii dalku u talinayey uu ka gaboobay, si aan taasi u dhicin waa in aanu ka weynaan 60 jir.                                                                                                                                                       
  4. WAAIN  AANU AHAYN QABIILADA SOMALILAND DEGAN: Madaxweyneyaashii somaliland soo wada maray waxay ka soo jeedaan qabiilada somaliland degan taasi waxay keentay in qabiiladii kale ku eedeeyaan reer hebel baan dalka ka taliya,halka qabilka uu ka soo jeedaana leeyihiin   inta aynu xilka hayno aynu ka faa'idaysano wixii aynu qabsan karno. si aan taasi u dhici waa inuu ahaadaa madi keligiis ah.                                                                                
  5. WAA IN AANU SOMALIA LA SOO SHAQAYN: si looga hortago in lagu eedeeyo  somalia ayuu ka soo shaqeeyey oo fedaral iyo wax la mid ah ayuu doonayaa waa ina aanu somaliyada la sheegayoba aqoon.                                                                                                                           
  6. WAA IN CAALAMKA LAGA AQOON: waa inuu ahaadaa nin aan laga aqoon caalamka sida UN,AU,USA, EU, taas oo u saamaxaysa inuu si xor ah u fekero oo aanu cidna ka haybadaysan,     
  7. WAA IN U AHAADAA MUWAADIN XOOLO DHAQAT AH : waa in uu aaminsan yahay in dunida somaliland ugu qanisan tahay, xoolo nool sida geel iyo adhina waa inuu dhaqdaa sii ula socda duruufaha xooleena haysta dhinaca kale, waa in aanu  dawladaha aduunka weydiisan caawimo, cuntada wadankiisa cunaa, dadkiisan kula taliyaa inay dalkooda wax kala soo baxaan.                                                                                                                                                                                                                                                                                                                        
  8. WAA IN AANU XISBINA AHAYN: waayo? hadii uu xisbi kasoo baxo waxay ku noqnaysaa caqabad waayo asxabtiisa ayaa badanaysa, dadkii xisbiga maal gashaday  oo xil doona ah ayaa mashquulinaya, beela ka sugaya xisbiga ayaa jira  markaa si aan taasi u dhicin waa in aanu xisbiba ka soo bixin.                                                                                                                                          
  9.  WAA IN AANU MAR LABAAD ISA SOO SHARIXIN: madaxweynaha mustaqbalka somaliland waa inu aanu mar labaad isa soo sharaxin oo uu hal mar xilka hayaa loogana dhigaan 7sano si looga hortago korodhiismo, doorasho danbe oo lacag loo ururiyona meesha laga saara.

Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)

abkoo2012@gmail.com
 kala soco Maqaaladii hore halkan  Baxwal.blogspot.com

Tuesday, January 19, 2016

LACAGTU MAXAY QABATAA? SIDEENA RIBBADU U GASHAA?

Maqaalkii hore ayaan kaga hadlaya Ribada; maqaalkan waxan ku eegayaa lacagta(currency).

Taariikhda Bini aadamka marka diba loo raaco, markii ay bilaabeen ganacsiga ma jirin lacag la isticmaalo ee waxa la isticmaali jiray hab ah in alaab waxa lagu kala bedesho, tusaale ninka haysta neef adhiya ee doonaya hal kiish oo qamadi ahi;waxuu kaga bedelan jiray qofkii doonaya adhiga ee haysta qamadi, alaab baaan la isdhaafsan jiray.

Muddo ka dib waxaa bilaaban tahay in waxyaabaha wax lagu kala bedelan karo qaar loo qoondeeyey sid subag, malabka, raashinka oo ay noqdaan lacagta waxa lagu kala bedesho. sanadadu way is gurayaane waxaa aakhirkii loo daayey in walxaha la isku qurxiyo loo adeegsado lacag ahaan, taas oo mudd dheer la isticmaalayey.

Markii danbe waxaa soo baxay baananka oo iyana siday u soo baxeen u baahan tahay maqaal gaar ah, baanankan soo baxay waxay kaydiyeen dahabkii;waxayna sameeyeen in qofkuu dahabka u dhiibta ay u qoraan waraaq sheegaysa in dahab xadi go'an ah uu u  yaalo baanka qofkan, isna uu sidaas waraaqdaas wax ugu iibsan jiray. Xadaaradii Baananku Markay korodhay Waraaqo badan ayay
sameeyaan oo ay damaanadana iyagu ka yihiin.
Waraaqdaasina waa lacagta maanta  wax lagu kala iibsado, isbedeladii dheeraa ee ku yimi lacagtu, waxuu maanta marayaa in aan lacagti waraaqda ahayd loo baahan oo la isiticmaalo qaab ah (Sight deposit/book money)sida Zaadka ama E-dabka ; taas oo bedeli doonta lacagta maanta la isticmaalo sanandaha soo socda. hadii aynu inta kaga tagno taariikhda lacagta; aan eegno waxay qabato lacagtu 



Maxay qabataa lacagtu? afar shaqo uunay lacagtu qabataa:

  1. Halbeeg wax lagu Qiyaaso ama lagu xisaabiyoMeasurement of value): halka miisaanka ayay gashaa oo wax kastoo la qiyaaso waxa loo sameeya qiime hal beeg u ah.
  2. Waxbaa lagu kala iibsadaa   ( Medium of exchange):Alaab iyo adeegba waxaa loo isticmaala lacagta in wax lagu kala bedesho.
  3. Qiime kaytsamayaStore of value ):waxay noqotaa shay kaydsama, oo waa taas baananka loo sameeystay in lagu kaydiyo.
  4. waxa lagu bixiyaa dayta  (  Standard of deferred payments ): qofku markuu dayn qaato waxuu ku bixin doona lacag, sidaasayna ku noqota shay daynta lagu bixiyo. 
Qofku markuu alaab iibinayo, qiimaha uu soo siistay waxuu saari karaa qiime kale oo la yidhaahdo faa'ido (profit) ama ribix. hadii se qofku lacagta lacag kale ka faaido waxa la yidhaahdaa (interest)
ama ribo oo waa xaaraan, taas macnaheedu waa lacag lacag la dulsaaray iyadoon wax lagu qaban waa xaaraan. 
Dulsaarka waxaa qaata qofka ama baanka oo hadba mid baa faa'ido ka daya.
Diinteena Suubani wa inaga xaaraantimaysay Ribbada. Qof inaad dayn amaahisaa waa samafal aa u gashay,  samafalkii inaad ka iibisaa waa  Ribbo.!!!

Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)

abkoo2012@gmail.com;065-9155222
 kala soco Maqaaladii hore halkan  Baxwal.blogspot.com


Saturday, January 16, 2016

HOGAAMIYE WAA KUMA?

HOGAAMIYE WAA SHAKHSI WAX KA BADELI KARA DURUUFTA AY KU JIRTO  BULSHADIISU, WAXAA UU DADKA KAGA DUWAN YAHAY ARAGTI FOG,U DANAYNTA BULSHADA, KICINTA IYO DHIIRI GELINTA BULSHDADA  IYO HIRGELINTA QORSHAYAASH.HOGAAMIYE WAA SHAKHSI AAN KU XISAABTAMIN WAXA INTA BADAN DADKU MANFACA KA DOONAAN SIDA QABIIL, LACAG IWM. WAA SHAKHSI ISKU KALSOON OO AWOOD LEH. MARKA LAGA HADLAYO HOGAAMIYE MACNAHEEDU MA AHA QOF  U SAREEYO XAFIIS SIYAASADEED SIDA MADAXWEYNE, RAISAL WASAARE IYO WASIIR AMA XAFIIS SHIRKADEED SIDA GUDOOMIYE SHIRKADEED, MAAMULE  IWM, LAAKIIN HOGAAMIYE WAA SHAKHSI MEEL DHEX KAGA JIRI KARA DAWLADA AMA SHIRKAD LAAKIIN AH QOF WAX KU SOO KORDHIYA HADBA HALKA UU SHAQADA KAGA JIRO OO AAN KU XISAABTAMIN INUU WIXII UU SANADKII HORE QABAN JIRAY QABTO OO KELIYA , EE WAXUU KU FEKERAA INUU WAX CUSUB SOO KORDHIYO. WAXAAN KU SOO KOOBAYAA.HOGAAMIYE WAXUU SOO SAARAA HOGAAMIYEYAAL KALE, WAX UU CURIYAA HIRAALO BADAN, WAXUU HIRGELIYAA HIRAALKII UU SAMEEYEY, WAXUU U ARKAA SHACABKIISA INUU ADEEGE U YAHAY EE UMA ARKO IN AY ISAGA ADEEGAYAAL U YIHIIN, HOGAAMIYE SHAQADIISA KOWAAD WAA INUU ILAALIYO CAQIIDADA BULSHADIISA.

HOGAAMIYE WAXUU DADKA KALE KAGA DUWAN YAHAY WAXUU SHAQEEYAA WAQTI BADAN SI UU HIRAALKIISA U GAADHO, WAXA UU WAYDIIYAA DADKA TALO WAAN AMRAA, HOGAAMIYUHU MA TIXGELIYO DURUUFTA KU XEERAN EE KA HOR ISTAAGAYAA INUU GAADHO HALKUU DOONAYEY.

WAXAA KU KOOBYAA HOGAAMIYE WAA ISBEDEL DOON 

Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)
abkoo2012@gmail.com.
 kala soco Maqaaladii hore halkan  Baxwal.blogspot.com

RIBBO AMA DULSAAR (INTEREST) MAXAY TAHAY?

Maqaalkan Kii ka horeeyey waxaan kaga hadlay waxa uu baan Ganacsi qabto, Qodobkan  waxaan kaga Hadlayaa Waxa la yidhaahdo RIBO? sharciyan Ribo waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah:
 (1) Riba Alfadli: Waxa timaadaa,marka walxaha ribawgi ah (ribadu gasho) sida Dahabka, Qalinka(silver) Timirta, Qamadiga, Shaciirka ama cusubada(Milicda), isla walaxdii laftigeedi la isku bedelo(Gado), iyadoo la kala badinayo. Waxayna dhacdaa marka Tusaale ahaan Marka hal kiiloo oo dahab ah lagu bedesho labad kiiloo oo dahab ah,oo ay isku nooc yihiin xaga tayada ama kala tayo duwan yihiin.Waxan la mid ah taas, marka boqol dollar ($100) oo cusub oo soo baxay 2015 lagu bedesho boqol iyo toban dollar ($110)  oo soo baxay 1995.

 (2)Riba Al Nasii'a: waxa lagu dhacaya Marka qof la daymiyo muddo cayiman (Bil, sanad, IWM), walxaha (ashyaa) ribawgia ah (ribadu gasho) sida lacagta, dahabka, ama timirta, Markii muddadii dhamaatana uu qofkii deynta qaatay soo celinaayo deytii uu qaatay oo lagu daray wax dulsaar ama ribo oo lagu xidhay laguna shardiyay. Waxay taasi imanaysaa Marka hal kiilo oo timirt tusaale ahaan qof la daymiyo, sanad ka dibna uu qofkii ku qasban yahay, inuu soo celiyo laba kiiloo oo timir ah

(Xigasho: Kitaabka  uu qoray Maxamed Abshir Diiriye ee la yidhaahdo RIBADA QARSOON boga 23)

Yaasiin Maxamed Faarax (Baxwal)
abkoo2012@gmail.com  kala soco Maqaaladii hore halkan  http://baxwal.blogspot.com/
Kala soco qaybta danbe sababta lacagtu ribadu u gasho ..............................

Friday, January 15, 2016

HA DHIBIN MUWAADIN DHIBAN

Marka aad dhex marayso Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxaad ku arkaysaa dad maskaxda ka xanuunsanaya oo aad u dhiban kuwaas oo la'a cid gacan qabata. Masuuliyada kowaad waxay saaran tahay dawlada, Marka labaad dadka ilahay waxa siiyey haday tahay mid aqoontiisa wax ugu qabta,mid hantidiisa wax ugu qabta,  iyo mid u hadlaba. Xanuunada maskaxda marka laga yimaado inta dhib ku dhacay ama dhaxlay waxaa inta badan keena mukhaadraadkan qaadka la yidhaahdo oo dadkeenii lagu imtixaamay, waxaad arkaysaa mid aad u dhiban oo gaajo soo gelisay gooba ama meherad laga cunteynayo oo intaanu soo gaadhin kii meherada haystay dadkii meesha ka cunteynayey ay iyagii ku sii qaylinayaa oo adhanaya naga saar, bal hadii maqaaxidii, hudheelkii, iyo macmacaalihiiba laga eryo xagee wax ka cunayaa?hadii kii u nixi lahaa ee wax siin lahaa ku qalinayo oo diidayo inuu meherada ugu soo galo yaa caawinaya? waxaan xalay ku arkay hudheel ka mid ah xudheelada magaalada oo aan wax ka cunayey  inta uu nin maskaxda ka xanuunsanayaa oo lacag sitaa soo galay oo loo diiday in wax laga iibiyo.
MISKIIN

Meeshan aad SAWIRKA ku arkaysaan waa Badhtamaha Magaalada Hargaysa, Waa Salaadii Jimce ka dib waxaa is dhex yaacaya dadweynaha oo qaarkood Gawaadhi ku qado tegayaan qaarna lugaynayaa, ninkaa idiin muuqaa waxuu fadhiyaa wadada dhexdeeda waa nin miskiin ah oo xanuunsanaya markuu waayey cid u gargaarta oo wax siis ayuu go'aansaday inuu wadadii gawaadhu cidhiidhiga ku maraysay inuu fadhiisto bal inuu in cidi ka naxdo helo oo bal wax la siiyo, iska daa in wax la siiyee waa lagu qaylinayaa "waar wadada nooga kac" isagu waa muwaadin dhiban oo muwaadinkii u gargaari lahaa naxaris ka waayey.HA DHIBIN MID DHIBAN, UNA GARGAAR MASAAKIINTA, ILAHAY HA KUU GARGAAREE



Wednesday, January 13, 2016

Baananka Ganacsi (Commercial Banks) maxay tahay sh...

 Baananka Ganacsi (Commercial Banks) maxay tahay sh...:  Golaha Wakiilada  Somaliland waxuu beryahan ka doodayey xeer ku saabsan ganacsiga, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii lagag hadlayey Baananka...

Tuesday, January 12, 2016

Baananka Ganacsi (Commercial Banks) maxay tahay shaqadoodu?

 Golaha Wakiilada  Somaliland waxuu beryahan ka doodayey xeer ku saabsan ganacsiga, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii lagag hadlayey Baananka Ganasiga ah.
waxaan halka ku sharaxi doonaa Baananka ganacsigu maxay yihiin? maxay ka shaqeeyaa? waa imisa nooc? maxay faa'idaan? siday u faa'idaan?.

Baanka Ganacsi (Commercial Bank) waa haayad ka shaqaysa lacagaha oo  gaar loo leeyahay.
waxay  u shaqeeyaan dadweynaha iyo Shirkadaha, waxay u kala baxaan guud ahaan  kuwo lacagaha qabta iyo kuwo maalgelin sameeya. Shaqadoodu waa:
  1.  Waxa ay qabtaan  lacagaha (deposit),  waxayna u  kala baxan kuwo waqtig go'an leh iyo kuwo aan waqti go'an lahayn.
  2.  Waxay kale oo baanka ganacsi bixiyaa daymaha ganacsi(business loans) daymahaas oo kala ah lacago ay dadka amaahiyaan, Guryo, gawaadhi, Maalgelin IWM. 
  3. ,Iyo  adeegyo kale oo la xidhiidhka ganacsiga.

Baananka Ganacsi waxaa loo samaystaan in lagu raadiyo Faa'ido (profit) waxaa inta badan leh dad gaar ah. waxyaabah kale ee ay qabtaan  waxaa ka mid ah:

  1.  Isu gudbinta lacaga iyo macluumaadka la xidhiidha (Transfer of funds): waxay bixiyaan adeeg ah in ay macaamiishooda sida shirkada u gubiyaan lacago ama macluumaad la xidhiidha lacago.
  2. waxay kale oo maacmiishooda u qabtaan adeeg kale oo ah inay u soo ururiyaan biilaal (bills), (cheques) lacagaha jeejajaga ku qoran,(rent) kirooyin, iwm. waxaa kale oo macaamiishooda ka caawiyaan inay ka sii bixiyaan lacagaha sida cashuurta IWM.
  3. waxay bananka qaar dawladu u xilsaartaa oo awoodu u siisaa inay  bixiyaan adeega ah sarifka lacagaha qalaada (foreign Exchange).
     Sidee u faa'idaan?
       Faaidada ugu badan waxay ka soo saaraan dulsaarka(interest) ay dulsaaraan lacagaha ay maamulaan, marka laga yimaado meelo yar oo ay maalgashi ku sameeyaan(invest). dulsaar waa rebo, rebona diinteena waa ku xaaraan markaa waxaan u soo jeedin lahaa mudanayaasha Golaha wakiilada ina ay aad ugu fiirsadaan talaabada ay ka qaadayaan arrinkankan oo ay xisaabtana  ku darsadaan oo qaataan talooyinkii wax ku oolka ahaa ee Culimada Somaliland kaga hadlayaan arrrinkan.

Shakhsiyan waxaan aaminsanahay in Baananka doonaya in ay ribo bixiyaan waxayaabaha u fududaynay in ay suuqa soo galaan waxaa ka mid ah Baananka ku shaqeeya Hanaanka Islaamka oo aan sidii la rabay Bulshada ugu shaqayn, lacaga ama maalgashiyada ay bixinayaan ku xidhay shuruudo ay adagtahay in bulshada maalgashiga u baahin buuxiso,shaqadooda oo ku kooban mashaariic aan badnayn.

Bananka Hanaanka Islaamka ku shaqeeya(Islamic Banks) waa in ay adeega u fududeeyaan dadweynaha ama shirkadaha ay u shaqeeyaan si aanay Baanana ribo ku shaqeynayaa suuqa u soo gelin, waana in ay soo kordhiyaan adeegyo faro badan oo maanta dalka looga baahan yahay dadka iyo dalkana faa'ido u leh oo aanay ku koobnaan meelo kooban sida gaadiid ay dadka amaahiyaan ama meherada sii shaqaynaysay oo ay xoogaa ugu sii daraa.
waxay ahayd inay maalgashiyo faro badan oo iyaga ay wax ka faa'idayaan sameeyaan oo ay ka mid tahay  in ay guryo qiimahoodu jabana yahay u  dhisaan dan yarta kana kireeyaan, ama beero maalgeliyaan si faa'ido uga soo baxdo. Waxaynu sugnaaba waa Talaabada Golaha Wakiilada Somaliland ka qaadan doonaan dalka. Maqaalkayga xigana waxaan kaga hadli doonaa Dulsaar(interest) ama RIBO Maxay tahay?


Yaasiin Baxwal
dhaqaale yahan
065-9155222